Site icon Radio Daljir

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Barlamaanka Hortegi Doona

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta lagu waddaa in uu hortago Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cumar oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay sababta wasiirka loogu yeeray inay tahay kaliya arrimo ku aadan wax ka waydiinta shaqada Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Fariinta waxa ay nagu soo gaartay in Wasiirka arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar uu hor imaanayo Baarlamaanka, Xildhibaanadana ay wax ka weydiinayaan arrimo ku saabsan shaqada Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Exit mobile version