Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo ka degay magaalada Hargeysa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo ka degay magaalada Hargeysa

Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa saakay un ka war heshay warbaahinta maxaliga.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici ayaa wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cigaal.

Wafdiga wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa loo galbiyay Madaxtooyada, halkaasoo wada hadalo kula yeelan doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Tan iyo markii uu heshiis dhex maray dalalka Itoobiya iyo Eritrea, oo u dhaxeeyay colaado socday muddo labaatan sano ah ayaa waxaa isa soo taraya dhaq dhaqaaqyada Eritrea ka waday Gobolka, iyadoo si tartiib tartiib uga soo baxeysay go’doonkii ay muddo labaatan sano ku jirtay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com