Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland : “Shacabka Reer Sool waa la xoraynayaa”

Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Axmed Cabdulaahi Timo Cadde ayaa sheegay in la xoraynayo shacabka gobolka Sool oo intooda badan uu awood ku haysto maamulka Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay kulan wareed maanta kadhacay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland, isagoona dhanka kalle sheegay dowladda faderaalka aanay wax gorgortan ah ka geli karin dhul katirsan Puntland, kadib markii madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi uu dowladda faderaalka ka dalbaday inay ka wada hadlaan arimaha gobolka.

Hoos kadhegayso

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabku inay garab siiyaan ciidamada difaaca ee Puntland ee ilaalinaya sharafkooda iyo in dhulkooda lagu soo xadgudbo.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland : “Shacabka Reer Sool waa la xoraynayaa””

  1. NUURKANEDERLAND

    GAAS WAXA DAGAALKA KU SABABAY WAA DOORASHADA KUSOO SOCOTA. (KORORSIIMO)BUU RABAA.
    LACAGTII IMARATKANA WAA LAGA CARQALADEEYEY . LKN WELI WUXUU QUUDARAYNAYAA INAY HESHIIN DOONAAN UAE & DFS OO LACAGTIINA HELI DOONO INTAAN TAAS LAGAARIN WAA INUU SAMEEYAA SABAB DOORASHADA DIB UU UGU DHIGO WAANA TA DAGAALKA KEENTAY.
    FAHAMTU WALAA LAA? .
    STOP WAR. KHAAF RABBAK.

U Jawaab NUURKANEDERLAND Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com