Wasiirka Arimaha Gudaha oo Baaq u Diray Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir

November 03, 2015 (Daljir) — Wasiirka wasaaradda arrimaha  ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) yaa cadeeyey in magaalada Muqdisho gaar ahaan xeebta Liido ay kusoo badanayaan falalka anshax xumada ah ee diinta Islaamka hareermarsan.

Mudane Cabdirxamaan Odawaa ayaa sheegay inay jiraan dad Khamro iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya ku isticmaalo meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay jiraan xarumo gaar looleeyahay oo falal diinta ka baxsan lagu sameeyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo ka hadlayey xilwareejintii maamulka gobolka Banaadir ayaa kacodsaday duqa cusub ee magaalada Muqdisho inuu wax ka qabto falalkaasi ka baxsan diinteena suuban ee Islaamka maadaama aan nahay dad Islaam ah.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sheegay nawaaxiga Xeebta Curubo iyo Masaajidka Sheekh Aweys ee ku yaallo agagaarka Ceelgaabta lagu cabo maandooriyaha xaaranta ah ee Khamriga ayna xogtaasi kahelaan laamaha ammaanka wadanka.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com