Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Cawad oo Riyad uga qaybgalay shir

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Cawad oo Riyad uga qaybgalay shir

Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda faderaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka qaybgalay shir kadhacay magaalada Riyad ee xarunta boqortooyada Sacuudi Carabiya oo diiradda lagu saaray gantalaada balaastiga ee kooxda Xuuthiyiinta ay ku soo tuureen magaalada Riyadh.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Islaamka, waxaana la isku afgartay in si wadajir ah la isaga kaashado la dagaalanka Xuuthiyiinta ka dagaalama wadanka Yemen ee weerarka ku haya Sacuudiga.

Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulanka ka jeediyay khudbad ku baxaysay luuqadda Carabiga, waxaana uu sheegay dhibaatooyinka Xuuthiyiinta inay waajib tahay in loola dagaalamo si caalami ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale la shiray wasiiro dibadeedyada dalalka Sacuudiga, Jabuuti, Masar iyo Suudaan oo uu kala hadlay inay maalgashtaan Soomaaliya oo hormar kasamaynaysa dhinaca ammaanka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com