Wasiirka Amniga XFS oo bogaadiyay Dadaallada Dib-u-heshiisiinta Galmudug (Daawo)

Wasiirka Amniga XFS oo bogaadiyay Dadaallada Dib-u-heshiisiinta Galmudug (Daawo)

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Mamxamed Abuukar Islaaw oo shalay soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxa uu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga ee ku howlan adkeynta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa looga hadlay laba jibbaaridda dalaallada lagu adkeynayo amniga guud, gaar ahaan inta uu socdo shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan furmaya, looguna diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Saraakiisha ayaa wasiirka uga war bixiyay sida ay u wadaan amni sugidda caasimadda iyo howl-gallo kale oo ay ka sameeyeen deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.

Wasiirka amniga gudaha ayaa ciidanka ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan waxa uuna ku boorriyay in ay sii wadaan si loogu guuleyso dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug, dhammaan reer Galmudug ayuuna ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan shirka dib-u-heshiisiinta ayna dhistaas maamul ay u dhanyihiin oo danahooda ka shaqeeya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com