Wasiirka Amniga Soomaaliya: “Waxaa la adkeynayaa Amniga waddooyinka laga soo galo Muqdisho”

Wasiirka Amniga Soomaaliya: “Waxaa la adkeynayaa  Amniga waddooyinka laga soo galo Muqdisho”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay diyaariyeen in ka badan 20 Hay’adood oo loogu talo galay inay ka hortagaan dambiyada la xiriira socdaalka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daraya in Hay’adaha ay ka hortegi karaan waxyaabo keeni karo amni darro sida Maandoriyaha Khamriga, badeecooyinka aan sharciga aheyn & waxyaabo kale in la soo geliyo Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ku adkeeyay Hay’adaha ka kooban Gudsigaan inay kordhiyaan kulamada looga tashanayo adkeynta irdaha laga soo galo Caasimadda iyo in lagi ballaariyo giud ahaan irdaha laga soo galo dalka maadaama baahi badan loo qabo.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Guddigaan inta ay Shaqeeynayeen dhowr fal dambiyeed oo dalka ka dhici lahaa ka hortageen ,sidoo kalena ay jiir karaan kuwo aysan ku guuleysan.

Hadalkaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur waxaa uu sheegay xili Maanta Muqdisho uu ka furay tababar ku saabsan ka hortagga dambiyada socdaalka .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com