Wasiiradii khayre magacaabay oo maanta la dhaariyaay

HomeWararka

Wasiiradii khayre magacaabay oo maanta la dhaariyaay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir

Villa Somalia and IOG’s Somalia-Somaliland Masterplan
Taliye Xijaar oo sheegay in la xoojiyeey howlgalada kadhanka ah Alshabaab
Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlay qaraxii Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta lagu hor dhaariyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka.

Kulanka Guddiyada joogtada iyo Golaha shacabka Waxaa shir guddoominaye Guddoomiye Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha 15-ka Guddi iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Kadib Dhaarinta Wasiirada waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ku wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilka ula wareegaan, si ay u gutaan howlahooda.

Wasiiraad cusub ayaa la magacaabay 4-tii Bishaan oo ku asteesneed Khamiistii Todobaadkii tagay, Kolkii Xilalkaan loo magacaabaye Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda waxa ay ka maqnaayeen dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: