Wasiiradii Barlamaanku Rideen ee Puntland oo Soo Bandhigaya Waxqabadkooda

Golihii wasiirada Puntland oo dhowaan barlamaanku kalsoonidii kala laabteen ayaa maanta magaalada Garoowe ka bilaabay qorshe ay ku soo bandhigaay waxyaabihii u qabsoomay 12-kii bilood ee ugu dambeeyey iyo qorshayaasha ay hiigsanayeen.

Barnaamijkaan oo socon doona maalmaha soo socda ayaa waxaa maalin walba waxqabadkooda iyo qorshohooda ku soo gudbin doona dhowr wasaaradood, waxaana tallaabadaani ay kamid tahay qorshayaasha xukuumadda madaxweyne Gaas shacabka ugu soo bandhigayso waxqabadkeeda.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa hadda haysta muddo ku dhow 15 cisho oo uu ku soo dhiso xukuumad cusub kadib markii barlamaanka oo ku eedaynaya waxqabad la’aan ay kalsoonidii kala laabteen xukumaddii hore.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Wasiiradii Barlamaanku Rideen ee Puntland oo Soo Bandhigaya Waxqabadkooda”

  1. Lamayaqaan

    Wasiirradu wax fiican ayeey soo qateen waana ku mahadsan tihiin.

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com