Wasiiradda Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo Suudaan ku soo gabagabeyaay Shir

Wasiiradda Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo Suudaan ku soo gabagabeyaay Shir

Waxaa magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan lagu soo gabagabeeyay Shirka ay ka qeybgaleen Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo madaxda Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee (FAO).

Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad waxaa kaloo xiritaankii ka soo qeyb galay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule,iyadoo mudada shanta cisho ah ee uu socday looga hadlayay sida ay beeraha Qaaradda Afrika u gaari lahaayeen horumarka iyo waliba sida loola dagaalami lahaa gaajada iyo macluusha.

Shirkaan oo Dowladda Soomaalilya uu u matalaayey Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saciid Xuseen ciid ayaa mar uu la hadlaayey Warbaahinta waxa uu sheegay in shirkaasi xoogga lagu saaray waxqabadka hey’adda FAO ee dhinaca Soomaaliya iyo dadaalada ku aadan horumarka mustaqbalka dhow oo ah sidii loo dardargelin lahaa adeegyada beeraha .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com