Wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Xaaji Aaden oo safaro ku maraysa qaaradda Yurub.

?

Rooma, Jan, 10- Wasiiradda arimaha dibadda DF ee Soomaaliya ahna R/wasaare ku xigeen ayaa toddobaadyaddii ugu danbeeyay waxay socdaalo shaqo ku maraysay wadamo ku yaal qaaradda Yurub.
?
Fawsiyo Xaaji Aaden ayaa safarkeeda ka biloowday dhawr wadan oo ku yaal bartamaha iyo bariga Afrika iyadoo markii danbana oga sii tallaabtay wadamada Yurub.
?
Fawsiyo ayaa wadamada ay safarkeeda ku tagtay waxaa ka mida Britain,Talyaaniga iyadoo hadana qorshaynaysa safar ay ku tagto dalal ku yaal koonfurta Yurub.
?
Wasiiradda ayaa socdaalkeedii talyaaniga ka sakow kulanka ay la qaadatay masuuliyiin ka mida dawladdaasi waxaa ay booqatay dhismayaasha qaranka Soomaalida ee ku yaal magaalada Rooma ee caasimadda, wararka ka soo baxaya booqashada wasiiradda ee dhismayaasha ay ka midka tahay safaaradda ayay lagu sheegay inaysan jirin dhismayaal iyo xarumo dawladda Soomaaliya ay leedahay oo burburay kuwaasoo horay inay burbureen uu ugu sheegay safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Cadde), balse ay u baahan yihiin dayactir iyo naash naash.
?
Si kastaba booqashooyinka wasiiradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ee dalalka daneeya arimaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay wax badan ka badalaan iskaashiga dawladda Soomaaliya iyo kuwa caalamka.
?
Diiwaanka Wararka daljir
Warqabad
(S).
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com