Wasiirada magacaaban oo barlamaanka la horgeyn doono.

Wasiirada magacaaban oo barlamaanka la horgeyn doono.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaaa maanta la filayaa in xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan kulan, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey) ayaa shir Guddoominaya kulanka, maadaama Guddoomiye Jawaari hada uu yahay ku simaha Madaxweynaha, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu shalay u ambabaxay dalka Urdun, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shirka Jaamacadda Carabta.

Warar ay heshay Risaala ayaa sheegaya kulanka ay yeelanayaan xildhibaanada Baarlamaanka in la horgeyn doono Golaha Wasiirada cusub ee dhowan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com