Wasiirada Arimaha Dibadda Kenya iyo Soomaaliya oo ka arinsaday xiisadda Beledxaawo (sawiro)

Wasiirada Arimaha Dibadda Kenya iyo Soomaaliya oo ka arinsaday xiisadda Beledxaawo (sawiro)

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma ayaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kulanka oo saacado socday ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, arimaha muranka keenay ee xiisadda ee kasoo kordhay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Labada wasiir ayaa isla qaatay in qaab wada hadal lagu dhameeyo darbiga ay dowladda Kenya ay wadddo ee laga dhisayo magaalada Beledxaawo, taasi oo abuurtay diidmo xoogan oo ka yimid qaybaha bulshada ee Soomaaliyeed, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli si la hakiyay dhismaha darbiga, kadib xiriir khadka taleefanka oo dhexmaray madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com