Wasiir Yuusuf Garaad oo Dalab Ciidamo Degdeg ah u Diray Safiirka Maraykanka, Stephen Schwartz

Wasiir Yuusuf Garaad oo Dalab Ciidamo Degdeg ah u Diray Safiirka Maraykanka, Stephen Schwartz

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu matalayo Wasiir Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa biloowgii bishii la soo dhaafay ee Agoosto u qoray Safiir Stephen Schwartz, safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, warqad  codsi caawino gacan milatari iyo mid sirdoon oo degdeg ah.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa warqadda ku muujiyey in Soomaaliya ay soo foodsaartay welwel iyo wacaal weyn oo argagixiso, kaas oo kaga yimid isbiirsi ay isbiirsanayaan labada urur ee argagixiso ee Alshabaab iyo Daacish (I.S.I.S).

Wasiir Yuusuf waxa uu yiri “Alshabaab iyo Daacish waxay hadda la wareegeen dhul badan oo ku yaal bartamaha Soomaaliya.” Wasiirka oo qoraalkiisa sii wata waxa uu qoray “xaalka dalku sidii hore hadda waa ka duwanyahay, mana aha mid ku koobnaan doona xudduudaha dalkayagan soo kabanaya. Xaalka maanta Soomaaliya waa mid hal erey oo kaliya lagu soo koobi karo: Yuraaniyam.”

Warqadda Wasiirka oo markii hore la moodayey been-abuur, waxaa markii danbe xaqiijiyey safiir Axmed Ciise Cawad, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Marayanka, sida aan ka soo xiganay qoraal warbaahinta VOA, qaybta afka Ingiriiska.

Wasiir Yuusuf Garaad waxa uu warqadda ku caddeeyey in xoogagga Alshabaab ay maamulka Galmudug kala wareegeen dhul qani ku ah macdanta Yuraaniyamka (Uranium deposits), yahayna mid gacmaha lagu guran karo oo dhulka dushiisa dhoodhooban. Wasiir Yuusuf oo qoraalka sii wada waxa uu yiri muhiimadda hawlgalada Alshabaab iyo ISIS waa in “macdanta Yuraaniyamka loo geeyo dalka Iran.”

Lama hubo sida Wasiirku u xaqiijiyey goorta iyo meesha ay Alshabaab iyo Daacish ku heshiiyeen, waana waxyaalaha markii horeba abuuray shakiga in warqaddu tahay been-abuur.

Khabiir ku dheereeya arrimaha dibloomaasiyadda oo aan qoraalka Wasiirka u soo bandhignay, waxna ka weydiinay, waxa uu ka muujiyey fajac iyo amakaag, waxa uuna yiri, “mar haddii safiir Axmed Ciise uu xaqiijiyey in warqaddu ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna tahay mid xaqiiqo ah, mushkiladda hadda taagan waa 2 arrimood. Waa mar e maxaa Wasiir Yuusuf Garaad ku kallifay in uu galo hawl aan shaqadiisa ahayn iyo hawlo milateri iyo kuwo maamul-goboleed? Waa mar kale e, maxaa uu Yuusuf ula xiriiri waayey dhiggiisa Maraykanka, Rex Tillerson, oo ku kallifay in uu safiir warqad u qoro? Khabiirka ayaa hadaladiisa ku daraday, “waa in la hubiyaa in Madaxweyne Farmaajo warqadda wax ka ogyahay!”

Bogga labaad ee warqadda Yuusuf Garaad, Wasiirku waxa uu canaan dusha uga tuuray AMISOM, asaga oo leh “AMISOM waxba naguma caawin karto, awoodna uma leh in ay Alshabaab iyo I.S.I.S ka cirib tiraan Soomaaliya. Ciidamada iyo awoodda Maraykanka oo kaashanaya sirdoonka Maraykanka waa sida kaliya oo argagixisada looga adkaan karo, Soomaaliyana wax loo tari karo.”

Waxaa xusid mudan in deegaanka kaliya ee Soomaaliya ee Alshabaab iyo ISIS (Daacish) ay si joogto ah uga hawlgalaan, kana fuliyaan weeraro joogto ah, uu yahay Puntland. Hawlgalkii ugu danbeeyey ee Alshabaab wuxuu ahaa kii shalay oo Ciid ahayd ee deegaanka Afurur. Saas oo ay tahay, warqadda Wasiir Yuusuf Garaad meelna loogama xusin dagaalada joogtada ah ee argagixisada Alshabaab iyo Daacish ka wadaan deegaanka Puntland ama kii xasuuqii darnaa ee Afurur.

Sidoo kale waxa ay argagixisada Alshabaab si joogto ah uga soo duulaan deegaanka Galmudug oo hadda Wasiirku uu warqaddiisa ku qoray in Alshaab la wareegeen qaybo kamid ah, ayna ugu danbaysay weerarkii degmada Ballibusle oo 2 haween ah lagu dhaawacay iyo kii Jeexdin ee isla Bariga Gaalkacyo. Dhammaan weeraradaas waa isku wada xigeen, waxayna kala ahaayeen 30 Agoosto, 31 Agoosto iyo 1 Siteenbar.

Weerarkii Ballibusle ee 31 Agoosto oo aan goobjooge ka waraysanay waxa uu Daljir uu sheegay in maleeshiyaadku ay Galmudug ka yimaadeen, kana kala yimaadeen 2 jaho oo kala duwan, laakiin ay ahaayeen Alshabaab.

Illaa iyo hadda dowladda Federaalka ee Soomaaliya kama aysan hadlin saddexdii weerar ee ugu danbeeyey ee al-Shabaab ama Daacish ay la beegsadeen Puntland. Wasiir Yuusuf Garaad asna sidoo kale kama uu hadlin weerada Puntland lagu hayo, mana uusan xiriirin qabsashada deegaanada Galmudug iyo weerarada joogtada noqday ee Puntland kaga yimaada Galmudug.

Yuusuf Garaad ayaa ahaan jiray Tafaftirihii hore ee BBC Laanta Afka Soomaaliga, asaga oo Laanta ku soo biiray 1992, sannadkii labaad ee dagaalka sokeeye. Yusuf oo illaa iyo markii uu ku soo biiray BBC-da illaa iyo dagaalkii sokeeye ay haysteen dacwado joogto ah, ayna sannadkii 2005 ka ashtakoodeen dhammaan wixii tafaftire soo maray BBC Laanta Afka Soomaaliga, waxa jagada laga casilay sannadkii 2012.  Dacwadaha Yuusuf laga gudbiyey dartood, casilid kabacdi waxaa BBC Laanta Afka Soomaaliga tafaftire looga dhigay gabar ajnabi ah oo u dhalatay Kenya, haysayna jagadaas illaa iyo biloowgii bishii hadda dhammaatay ee Agoosto.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

*** Dhammaad ***

Halkan Riix oo ka akhriso warqadda Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu u qoray Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz. 

 

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com