Wasiir Raage: Dekedda Bosaso waxa ay u xirantahay wakiilada doonyaha (dhegayso)

Wasiir Raage: Dekedda Bosaso waxa ay u xirantahay wakiilada doonyaha (dhegayso)

Wasiirka dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa ku eedeeyey wakiilada doonyaha soo kireeya inay masuul ka yihiin xirnaashiyaha dekedda Bosaso, isagoona sheegay inay kasoo horjeedaan nidaam caalami ah oo ay shirkadda P&O ports doonayso inay ka hirgaliso dekedda Bosaso, ayana waxba ka jirin wararka sheegaya in la kordhiyay doonyaha soo xiranaya lacagiihii horay looga qaadi jiray.

Wasiirka oo waraysi gaar ah siiyay radio Daljir ayaa sheegay inay tahay nasiib darro wayn tahay wakiilada doonyaha inay ka horistaagaan ganacsatada inay alaabahooda soo dejiyaan, shirkadda ayuu sheegaya kaliya inay lacago kusoo rogtay dejinta iyo dhoofinta agabka loo isticmaalayo si’ay uga mid noqoto horumarinta dekedda iyo caymiska shaqaalaha shirkadda ka shaqaynaya.

Maxamud Cabdi Ibraahim ayuu wasiirku khadka taleefanka uu ugu waramay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com