Wasiir Qarjab oo Wacad ku Maray xaqiijinta Amniga Puntland

Isniin, Juun 22, 2015 (Daljir)_Wasiirka cusub ee Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa amniga Puntland oo haatan jooga meel aad u saraysa.

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka hadlay xafladii uu xilka kala wareegay xafiiska ayaa sheegay in amniga Puntland kor loo qaadi dooni xili khataha amni ee Soomaaliya tahay mid isa soo taraysa.

Qarjab ayaa shacabka ka codsadey inay la shaqeeyaan laamaha amaanka, una soo gudbiyaan waxkasta oo lidi ku ah amaanka Puntland.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland ayaa dhawaan Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) usoo magacaabay wasiirka amniga, isagoona maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore Aloore.

By: MAI

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com