Wasiir Qarjab “Amniga Puntland 85% waa uu suganyahay, dad baana u xiran dilkii Bosaso”

Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ka hadlay dilkii ugu dambeeyey ee maalin kahor kadhacay magaalada Bosaso, kaasi oo lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada madaxtooyada ee Puntland.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay bartamaha magaalada Bosaso, waqti sarkaalka sida dad goob joogayaal ay sheegeen uu wadan wax hub ah.

Wasiirka ayaa sheegay dilkaasi in dad loo soo qabtay oo ay baarayaan hay’adaha ammaanka, isagoo xusay haddii dambi lagu helo sharciga ay mari doonaan.

Wasiirka ayaa dhanka kalle sheegay in ammaanka Puntland uu yahay, yahayna %85 mid sugan, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay dowladda ay la shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa u waramay Maxamuud Cabdi Ibraahim.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com