Wasiir Maxamed Cabdirizaq: ”Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay,”

Wasiir Maxamed Cabdirizaq: ”Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay,”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowr fududeyn ah, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.

Arrintan ayaa waxa ay soo baxday kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Felix Tshisekedi oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay weli ku dheggan tahay xeerkii jihaynta doorashada ee uu Golaha Shacabka ansixiyay 12-kii bishan.

“Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal,” ayuu yiri wasiir Maxamed oo intaas ku daray: “Doorashadu noocwalba oo ay ahaato, mid toos ah, mid dadban, doorasho marwalba waa inay noqotaa mid nabad ah, mid loo dhan yahay, mid waadax ah loo wada jeedo, si natiijada ka soo baxdaa ay u ahaato mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wadahadal furan oo hadda socda oo xal loogaga gaarayo khilaafka, hasayeeshee waxa uu soo dhaweeyay in Midowga Afrika uu dowr fududayn ah ku yeesho arrinta doorashada Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay in Farmaajo ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in dhibaatooyinka Afrika yaall lagu dhammeeyo xalal Afrikaan ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com