Wasiir kuxigeenka shaqada iyo shaqaalaha oo ku geeriyooday qaraxii xarunta wasaaradda

Wasiir kuxigeenka shaqada iyo shaqaalaha oo ku geeriyooday qaraxii xarunta wasaaradda

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ku geeriyooday qaraxyadii lagu weeraray Xarunta wasaaradda.

Sida wararku sheegayaan Wasiir kuxigeenka oo sidoo kale ahaa Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu ka mid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxa dhismaha Wasaaradda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, isla markaana dabley ka tirsan ay gudaha u galeen wasaaradaha.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay toogteen 4 kamid ah kooxihii weraarka qaaday

Dhismaha la weeraray ayaa waxaa degan labo Wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com