Wasiir Kuxigeen Qoobdeero: “Dhammaadka bisha waxaa bilaabanaya dayactirka wadada bartamaha Gaalkacyo”

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdullaahi Xaashi Qoobdeero, oo isaga iyo wefdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Magaalada Gaalkacyo ayaa safarkiisa waxa uu uga waramay Radio Daljir.

Wasiir Qoobdeero ayaa sheegay in dhammaadka bishan uu bilaaban doono dayactirka wadada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Gaalkacyo, dowladda Puntland ayaana bixinaysa qayb kamid ah qoondada kharashka.

Wasiir Kuxigeenaka ayaa hadalkiisa raacshay in dadka barakacayaasha ah ee Gaalkacyo ay deegaan u tahay ay ayagana u diyaariyeen deegaano cusub oo la dejin doono.

Qoobdeero waxa uu u warramay Jamaal Faarax Aadan (JFA).

Hoos ka dhegayso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com