Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka oo furay aqoon is weydaarsi ku saabsan ka qaybgalka dhalinyarada ee dib-u-eegista Dastuurka

HomeWararka

Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka oo furay aqoon is weydaarsi ku saabsan ka qaybgalka dhalinyarada ee dib-u-eegista Dastuurka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka mudane Dr. Hussein Abdi Elmi ayaa maanta furay aqoon iswaydaarsi ku saabsan sida dhallinyaradu ay uga qayb qaa

LAASCANOOD | General Maxamed Jaamac (Indhayare) oo ka yimi gobolka #SANAAG
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ilhaan Cumar: “Obama waxaa uu ahaa dilaa dhoola cadeeya”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka mudane Dr. Hussein Abdi Elmi ayaa maanta furay aqoon iswaydaarsi ku saabsan sida dhallinyaradu ay uga qayb qaadan karaan geedi socodka dib-u-eegista dastuurka kaa oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuuka.

Aqoon iswaydaarsigan oo socon doona muddo saddex maalin ah waxaa ka qayb galaya qaar kamida dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ururadii ku guulaystay fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada-qaybta dhallinyarada, waxa ayna ujeedadiisu tahay in wasaaradda iyo ururada dhallinyarada ay isla meel dhigaan sidii farriin midaysan oo ku saabsan dastuurka loogu gudbin lahaa dadka soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada.

Wasiir ku xigeenka oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horrayn u mahad celiyay dhallinyarada ka soo qayb gashay kulanka waxa uuna ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dib-u-eegista dastuurka maadaama uuyahay dastuurku wax ay dadka soomaaliyeed wada leeyihiin.

“Dastuuku waxaa iska leh ummadda soomaaliyeed, dhallinyaraduna
waa awoodda dal kastaahi leeyahay waxaana muhiim ah in aad ka qayb qaadataan dib-u-eegista dastuurka isla markaana aad gaarsiisaan dhallinyarada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maadaama aad ku guulaysateen fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada” ayuu yiri wasiir Hussein.

Wasaaradda Dastuurka ayaa bilaabaysa qorshe lagu wacygalinayo qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan qaybaha bulshada si qof kasta uu u fahmo muhiimadda dastuurku u leeyahay isla markaana uu u ogaado waajibaadka saran iyo xuquuqda uu siinayo dastuurka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: