Wasiir ku xigeen ka tirsan DFS oo is Casilay

Wasiir ku xigeen ka tirsan  DFS oo is Casilay

Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya C/kariin dhalac ayaa shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu sababta uu isku casilay ku shheegay inuu ku qanci waayay faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso Maamulka Galmudug, isla markaana habka maamul u saameynta ay u wado uu yahay mid baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug iyo dastuurka dalka u yaalla.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in faragelinta ay dowladda ku heyso Galmudug iyo sida ay u socoto qaabka maamul u sameynta ay keeni karto dib u dhac siyaasadeed

C/kariin dhalac ayaa ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, waxaa uu ka mid ahaa xubnaha ka soo jeeda Galmudug ee sida aadka ugu dhowaa Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Is casilaada Wasiir kuxigeenka ayaa la ogeyn saameynta ay ku yeelan karto hannaanka ay dowladda Federaalka u wado maamul u saameynta Galmudug, waxaana jiray baaq dhowaan ka soo baxay Xisbiyada Siyaasadda oo ay walaac uga muujiyeen qaabka loo wado maamul u sameynta Galmudug oo ay dowladda Federaalka wado inay hada kow ka soo bilowdo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com