Wasiir katirsanaa Hirshabelle”Waxaanu isku casilnay wada shaqayn la’aan madaxwaynaha”

Wasiir katirsanaa Hirshabelle”Waxaanu isku casilnay wada shaqayn la’aan madaxwaynaha”

Wasiir kuxigeenkii bay’adda iyo horumarinta reer guuraaga ee maamulka Hirshabeelle ee fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa ka hadlay sababihii keenay mowshin inay ka keenaan madaxwaynaha maamulka Hirshabeelle .

Maxamed Bashiir Qaasim oo sidoo kalena ka mid ah baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa ku’ eedeeyey madaxwaynaha Hirshabeelle inuu isku koobay shaqadii iyo dhammaan xafiisyadii maamulka, sidoo kalena dhicin wax shir ah oo  golaha wasiirada Hirshabeelle isugu yimaadeen tan iyo markii la magacaabay horaantii sanadkan.

Wasiirka ayaa sheegay 13- wasiir oo maamulka katirsan inay iska casileen xilka, oo ay tahay imminka baarlamaanka inay arrintaan kulan ka yeeshaan.

Hoos kadhagayso Xasan Heykal oo waraystay wasiir kuxigeenka iscasilay

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com