Site icon Radio Daljir

Wasiir Jamaal” Shaqo ay qaban karaan Soomaali ayaa Ajaanib ku qabtaan Xalane (dhegayso)

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in shirkado dhowr ah oo ajaab leeyihiin ay ka Shaqeeyaan Gudaha xerada xalane,kuwaas oo badankood dowladda ogtahay iyo kuwa aysan ogeyn.

Waxaa uu sheegay Wasiir Jamaal in hay’adahaas qaarkood ay dowladda Canshuur ka qaado,hayeeshee ay jiraan kuwo Shaqa badan ka qabta Xerada Xalane,balse aan wax badan laga ogeyn.

Sidoo kale Wasiirka oo Xildhibaannada Golaha Shacabka ay wax ka weeydiiyeen su’aalo ku saabsan Shirkadaha Xalane ka Shaqeeya ayuu sheegay inay jiraan Shirkado ay ka Shaqeeyaan Shaqaalo Ajaanib ah oo dad Soomaali ah ay qabaan,taasina looga baahan yahay Golaha Shacbaka inay dib u eegis ku sameeyaan.

Wasiir – Jamaal by Radio Daljir

Diwaanka wararka
Radio Daljir

Back to Home page