Wasiir Goodax oo walaac xoogan ka muujiyeey faafida Cudurka Covid19

Wasiir Goodax oo walaac xoogan ka muujiyeey faafida Cudurka Covid19

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in haddii cudurkani uu dalka ku faafo aysan jirin awood looga hortagi karo balse ay habboon tahay in marka hore bulshadu ay la timaado Alla bari .

Wasiirka ayaa xusay in uu aad uga walaacsanahay tirada iyo tuhunka sii badanaya ee cudurkan saf-marka ah ee dhibaatada badan ku haya bulshada caalamka ,isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn halista cudurka,balese dadku badankood ay yareysanayaan qatarta la filan karo.

“Maanta maalin aan uga baahi badannahay majirto in aan midowno, is-maqalno, is-kaalmeyno, isla markaana meel uga soo wada jeesanno sidii aan uga hortagi lahayn cudurkan, si uusan saameyn ballaaran ugu yeelan dadkeena, maadaama tabar, dhaqaatiir, qalab iyo goobo caafimaad oo aad u haboon aanaan heysan”ayuu yiri Wasiirka Boostada XFS. Cabdullaahi Goodax Bare.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com