Wasiir Galan: “Waxaan diyaar u nahay xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Boosaaso” (daawo)

Wasiir Galan: “Waxaan diyaar u nahay  xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Boosaaso” (daawo)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal kadib dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo saacado badan qaatay oo Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in Maleeshiyaad qoyleysato ah oo uu hoggaaminayo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ay weerar kusoo qaadeen Ciidamada ammaanka oo howlgal kujira, wuxuuna dusha ka saaray mas’uuliyadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka Boosaaso.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan waxaa uu sheegay inay la soo xiriireen Odayaal, Ganacsato iyo Culama’udiin, iyaga oo ka codsaday in xabada la joojiyo, isla markaana iyaga dhankooda mar walba ay diyaar u yihiin xabad joojin iyo wada-hadal.

Daawo

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa kusoo beegmay xilli Puntland aysan wax horumar ah ka sameyn dagaalkii ay la gashay Ciidamada PSF.

Dagaalkii labada Maalmood ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen in ka badan 10 Ruux tiro ka badana ay ku dhaawacmeen oo u badan dad Shacab ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com