Wasiir Dubbe; ”Ma jiro Askari ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo ka dagaalamay Tigray”

Wasiir Dubbe; ”Ma jiro Askari ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo ka dagaalamay Tigray”

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa shir jaraa’id oo uu goordhow qabtay ku xaqiijiyay in ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea, isagoo sheegay in la siyaasadeynayo Ciidamada tababarka ku maqan, waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inay jiraan Ciidamo Soomaali ah oo ka dagaalamay Gobolka Tigray.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta ayaa sheegay inuusan jirin askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo ka dagaalamay gooblka Tigray isagoo sheegay in ay warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobay ay tahay mid qalad ah oo ay cabasho ka gudbiyeen.

“Waa wax kama jiraan, Ma jiro ciidan Somaliyed oo Tigreey ka dagaalamay. Dhalinyaradeena waxey wali Eritrea noogu maqan yihiin Tababar mana jiro qof ka dhintey iyagoo caafimaad qaba ayay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda marka ay tababarka dhamaystaan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa ku eedeeyeen musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya inay ajande doorasho ka dhigtaan arrimaha tababarka ciidamada.

“Kama hadlaan siyaasiyiinta Xadgudubyada Kenya ay dalka ku hayso,carruurta dhimanayso oo ay duqeynta ku dileyso,balse waxay ajande ka dhigteen askar tababar ku maqan”ayuu sii raaciyay Wasiir Dubbe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com