Wasiir Cawad oo la kulmay wafdi ka socday hay’ada IOM

Wasiir Cawad oo la kulmay wafdi ka socday hay’ada IOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Agaasime goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeeda Bariga iyo Geeska Afrika, Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed.

Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta dal-joogga ah.

Sidoo kale waxaa kulkan loogaga hadlay sidii xad loogu yeeli lahaa tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara isku miidaamintiisa, sidoo kale waxaa la isla eeggay barnaamijyada kobcinta awoodda ee lagu tayaynayo howlwadeennada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com