Wasiir Beyle: “Waxaa la igu haystaa Mashruuc ii fuli mana ogolaan doono”

Wasiir Beyle: “Waxaa la igu haystaa Mashruuc ii fuli mana ogolaan doono”

Wasiirka  wasaarada maaliyadda ee dowladda Soomaaliya mudane  C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta hortagay golaha baarlamaanka,  ayaa waxaa wax laga weydiiyay eedeynta guddiga maaliyadda  ee Baarlamaanka oo la xiriirta musuq maasuqa iyo wax isdaba marin lagu sameeyay canshuurtii dalka .

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in marnaba uusan aqbali dooni ku takri falka hantida qaranka, taas badalkeedana  waxa uu sheegay Wasiirka Beyle in uu ilaalin doono hantida umada Soomaaliyeed .

Wasiirka wuxuu sheegay in isaga lagu heysto fulinta mashruuc uu sheegay in loola yimid, sidaasi daraadeedna uusan aqbaleyn fulinta mashruucaasi, walow uusan sheegin waxa mashruuca uu yahay.

Kulanka Baarlamaanka ayaa wali socda ,waxaana la filayaa in Xildhibaanad ay isweydaarsadaan maanta doodo aad ukulul .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com