Site icon Radio Daljir

Wasiir Beyle: Canshuur Kordhin majirto

Wasiirka maaliyadda ee dowladda faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay canshuur ku kordhiyeen ganacsatada wax kala soo dega dekedda Muqdisho.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay jirin wax canshuur kordhin ah oo ay wasaaradda maaliyadda ay ku samaysay ganacsatda kale duwan ee wax kala soo dega magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay dhowaan inay shir la qaadanayaan ganacsatada lagana baahanyahay inay bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

Qaar ka mid ah ganactada oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in canshuur lagu kordhiyay ganacsatada oo ay sameysay wasaaradda maaliyadda ee dowlada faderaalka ee Soomaaliya.

Exit mobile version