Wasiir Beyle: $50 Milyan baa Maanta Baanka Adduunku ugu Deeqay Abaaraha

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan waxqbadka Wasaaradda labadii bilood ee la soo dhaafay, kordhinta dakhliga dowladda, sare-u-qaadista isla xisaabtanka, deymaha dalalka caalamka ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo hanaanka canshuuraha dalka.

Dr. Beyle, Wasiirka Maaliyadda, ayaa sheegay in dowladda cusub ay ku dhowdahay in ay gaarto isku filnaansho maareeynta kharashka ku baxay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in markii hore canshuurta berriga ay aheyd dakhliga dalka in ka badan 90% maantana ma jirto arintaas sababtana waa amni darada jirta, haddii amniga la sugo waa la isku filnaanayaa.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa sheegay in deeq lacageed oo gaaraysa $50 Million ay ka heleen bankiga aduunka, taas oo lagu caawin doono gobolada abaaruhu saameeyeen iyo in mashaariic kale loogu fuliyo.

Hoos ka dhegayso

   


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com