HomeUncategorized

Wasaaraha Ganacsiga Puntland iyo Itoobiya oo Heshiis ku Gaaray Addis Ababa

Bacaadweyn, 03-March, 2016 -(Daljir)_Wasiirka Ganacsiga iyo Warashada Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-gurran oo ku howlan horumarinta iyo kobcinta badeecadaha iyo ganacsiga Dawlada Puntland ayaa magaalada Addis Abeba ee xarunta dalka Ethiopia kula kulmay Wasiirka Ganacsiga Dawladda iyo Ethoipia Mr Yaekob, waxaana kulankaasi uu ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga Ethiopia ee caasimadda Addis Abeba.

RW Cumar oo ka Hadlay Geerida Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif
DHEGEYSO-Midowga xisbiyada Soomaaliya oo soodhoweeyey dibu-habaynta gudiga doorashada.
(BAYAAN) JAALIYADDA PUNTLAND EE WAQOOYIGA AMERICA BAYAAN DIIDMO: MAYA 4.5; MAYA KELI-TALISNIMO
 
Bacaadweyn, 03-March, 2016 -(Daljir)_Wasiirka Ganacsiga iyo Warashada Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-gurran oo ku howlan horumarinta iyo kobcinta badeecadaha iyo ganacsiga Dawlada Puntland ayaa magaalada Addis Abeba ee xarunta dalka Ethiopia kula kulmay Wasiirka Ganacsiga Dawladda iyo Ethoipia Mr Yaekob, waxaana kulankaasi uu ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga Ethiopia ee caasimadda Addis Abeba.
 
Wasiirka Ganacsiga Ethiopia Mr Yaekob ayaa si wanaagsan xafiiskiisa ugu soo dhoweeyey dhigiisa Puntland Cabdiweli Xirsi Indha-gurran, waxaana kulanka labada Wasiir uu qaatay saacado badan iyagoo si qota dheer uga wada hadlay sidii ay u dardar gelin lahaayeen xiriirka ganacsi ee dhex yaalla Puntland iyo Ethiopia waxayna ku balameen Wasiirka Ganacsiga Ethiopia Mr Yaekob.
 
Kulan oo ahaa mid muhiim ah u Puntland ayaa waxa uu qayb ka yahay kulamada iyo shirarka kala duwan ee Wasiir Indha-gurran uu ku doonayo in sare loogu qaado ganacsiga Puntland , isla markaana la abuuro jawi horseedaya in Puntland ay yimadaan shirkado kala duwan oo maalgashada, tallaabooyinkaas oo horseedaya horumar gaamuray oo ay Puntland garto.
 
Wasiirka Ganacsiga iyo Warashada Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-gurran ayaa ku jira safaro kala duwan oo uu ku horumarinayo arrimaha ganacsiga Puntland , waxaana wasiirku uu kor u qaaday magaca Puntland iyo khayraadkeeda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.
 
Isagoo mudadii yarayd ee uu xilka hayey ka qayb galay shirar badan oo caalami ah oo ka dhacay dalalka Yurub, Asia iyo Africa isla markaana Dawlado iyo shirkado badan garsiiyay inay qaataan badeecadaha Puntland ayna maalgashadaan Puntland, waxaana shirkadahaasi qaarkood ay yimaadeen gudaha Puntland iyagoo marti qaad ka helay Wasiirka Ganacsiga iyo Warashada Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-gurran.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: