Wasaaradda Waxbarashadda DFS oo soo saartay nidaamyo cusub

Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka islamarkana loo dhaqan geliyo siyaasadda iyo manhajka qaranka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka

1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajka qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasalada hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka.

2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee fasalka sideedaad ee loogu gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada loogu gudbayo.

T,Imtixaanka fasaladka afraad waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka.

J,shahaadda dugsiyada sare waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir.

3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa.

Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad wuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha December ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan Sabtiga ugu horeeya ee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maaj.

4-Afafka lagu baranayo manhajka.

Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga.

Afka carabiga waxaa maado ahaan laga bilaabayaa fasalka koowaad dugsiga hoose.

Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose.

Dugsiga sare waxaa wax lagu baranayaan Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka.

5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka.

Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maado.

Dugsiga dhexe wuxuu qaadan 8 maado.

Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maado.

Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood

Dugsiga dhexe wuxuu qaadan doonaa 10 bilood.

Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa 10 bilood.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com