
Garowe, Aug 14 – Wasaaradda warfaafinta isgaarsinta hidaha iyo dhaqanka dawladda Puntland ayaa maantay dhagax-dhigtay xarun cusub oo lagu baran-doono saxaafadda, qaybna ka noqon-doonta dhismayaasha jaamacada PSU Garowe.
Barnaamijkaan lagu taageerayo kordhinta xirfadaha ay ku shaqeeyaan wariyaasha Puntland ayaa waxaa maal-galinaysa hay’ada Releif International, waxaana qayb ka ah maamulka jaamacadda PSU Garowe, iyo wasaaradda warfaafinta Puntland.
Munaasabadii lagu dhagax-dhigayay dhismahaan cusub ayaa waxaa kasoo qayb-qaatay masuuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta isgaarsiinta hidaha iyo dhaqanka dawladda Puntland Axmed Cali (Askar) ayaa xusay wasaarad ahaan sida ay muhiimada ugu leedahay kobcinta hawlaha warfaafinta Puntland.
“Muddo aad u faro-badan ayaan ku taamaynay, in xaruntaan laga hirgaliyo gobollada Puntland, dhabtii waan soo dhawaynaynaa, waxaana filayaa inay kasoo bixi-doonaa dad muhim ah oo qayb-ka qaadan doona arrimaha warfaafinta Puntland, taasina waxay sahlaysaa inay meesha ka baxdo caqabadihii laga tirsan-jiray warbaahinta Puntland” sidaasina waxaa yiri Askar.
14-sano kaddib waa markii ugu horeeyay oo gobollada Puntland laga hirgaliyo dhisme jaamacadeed oo lagu-baran-doono illaa heer-jaamacadeed xirfada warbaahinta, waxaana arrintaan ay fursad u noqonaysaa wariyaal badan oo ay aad ugu yartahay fahanka cilmiga xirfada warbaahinta.
Maxamed C/llaahi Cali (Kooshin)
Radio Daljir.
FAALLOOYIN & FALCELIN