Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalah Puntland oo Guddoomiye Dhalinyaro cusub u magacowday Gobolka Bari

Talaado, Juun 09, 2015 (Daljir) — Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Shaqadda,Shaqaalaha,Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane. Cabdiraxmaan Shiikh Axmed ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Gobolka BariAbshir Cali Yuusuf Maxamed.

Wareegtaan oo Numberkeedu ahaa M/MoLYS/00184/2015, soona baxday June,6 ayaa lagu sheegay in Xilkii looga qaaday Gudoomiyihii hore ee Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Gobolka Bari Mustafe Maxamed Xasan Majocase.Isbedelka lagu sameeyay Hogaanka sare ee Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Gobolka Bari aya ahaa mid mudo dheer la sugayey, iyadda oo ay Gobolka Bari uu kamid ahaa gobolada hormarka ka sameeyay dhanka isbooriska.

Dhanka kalene, Isbedelkaan ayaa ku soo beegmay xilli Gobolka Bari ay ka socdaan isbedelo lagu sameeynayo dhammaan qeybaha kala duwan ee xafiisyada Dowladda si loo dar-dar galiyo howlaha dowladda 

 

By: Maxamuud Cabdi Ibraahim

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com