Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar ku saabsan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda u qabatay shaqaalaheda (Sawiro)

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar ku saabsan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda u qabatay shaqaalaheda (Sawiro)

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay Tababar ku saabsan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda iyo Warbixinada Barnaamujka FMIS sida Warbixinta Dakhliga iyo Warbixinada Kharashka oo ah Maalinle, Asbuucle, Bile iyo sanadle.

Tababarkan ayaa furitaankiisii waxaa kasoo qeybgalay soo qaybgalay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Xisaabaadka gobolada Puntland sida Mudug, Nugaal, Karkaar, Sool, Sanaag, Bari iyo Gardafuu.

Tababarka ayaa waxaa kalmado wacyi gelin iyo dardaaran ah kasoo jeedin Madaxda Wasaaradda oo ay ka mid yihiin Agaasime kuxigeenka guud ee Maamulka, Cali Jaamac Gaashan; Agaasime kuxigeenka Dakhliga Cismaan Buux Cali, Xisaaabiyaha guud ee DPL Cabdirisaaq Siciid Nuur.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Maxamed Jibriil Caateeye oo furay Tababarka ayaa kula dardaarmay Xisaabiyayaasha gobolada in ay ilaaliyaan Hantida dalka sida Hantida guurtada iyo ma guurtada.

….” Waxaa masuuliyad idinka saaran tahay ilaalinta Hantida umada ma’ahan in lacag kaliya aad ilaalineysaan waxaad ilaalineysaan wax kasta oo umada ka dhaxeeya sida Gaadiidka, Guryaha, Qalabka Xafiisyada, Cashuurta Dowladda IWM, waxaad nasiib u hesheen in aad ku soo aadaan waqti la helay system casri ah kasoo si fudud aad ku heleysaan Xisaaba Xirka iyo warbixinada anaga waqtigayagii waxaa dhacday markaan xisaabta xireyno 0.17 shilin oo farqi ah ayaanu 17 Maalmod u fadhinays si loo saxo, waa in aad ka faaiideysataan Nidaamka FMIS-ka kaasoo si authomatic ah xisaabta u xiraya shirkuna waa ino furan yahay…” ayuu yiri

Tababarkan oo socon doona mudo 3 maalmood ah ayaa waxaa laga filayaa in wax badan ay ka bartaan shaqaaluhu arrimo badan oo ku aadan dakhliga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com