Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dacwad laga gudbiyeey (dhagayso)

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dacwad laga gudbiyeey (dhagayso)

Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa soo saartay qoraaal eedeyn ka dhan ah Masuuliyiinta wasaaradda maaliyada Puntland oo ay sheegeen inaysan wax mushaar iyo qalabeyn Xafiis ah ka helin Muddo sadeed bilood ah.

Waxayna Baarlamanka Puntland Warbaahinta Madaxa banaan Qeybaheeda kala Xafiiiska Xuquuqul insaanka Puntland wasaardda Cadaalada Wsaaaradda shaqada iyo shaqaalaha gudiga garsoorka sare ee Puntland u gudbiyeen dacwad ay kaga Codsanayaan in masuuliyiintaas laga keeno Xaquuqda kaga maqan Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Gobolka Nugaal.

Warqada ay soo saartay waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntand uu Ogyahay Xuquuqdda kaga Maqan Maxkamada D 1 aad ee Gobolka Nugaal.

Qoraalka Maxkamada ayaa waxaa ku saxiixan

Sheikh Aadan Maxamed Gudoomiyaha Maxakamada Racfaanka Gobolka Nugaaal.

Sheikh Cabdinuur Aw jaamac Aw Xuseen Gudomiyaha Maxkamada D 1 aad ee Gobolka Nugaal.

Cabdiqani Axmed Cumar Xeer ilaliyaha Gobolka Nugaaal

Maxamed Nuur Farax Garsooraha Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaaal

Sheikh Axmed Cali Axmed Garsooraha Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaaal.
Sheikh Cabdiqani Mire Xirsi Garsooraha Maxkamada Darajadda 1-aad ee Degmada Garoowe
Maxamed Jamac Faarax Kaaliyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaaal

Cabdiqani Maxamuud Maxaed Kaaliyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaaal
Jaamac Faarax Nuux Kaaliyaha Maxkamada D 1 Aad ee Degmada Garoowe.
Axmed Cabdulaahi maxamuud Kaaliyaha Maxkamada Darajadda 1-Aad ee Degmada Garoowe

Bashiir Cabdiqaadir Siciid kaaliyaha Maxkamada Maxkamada Darajadda 1-Aadee Degmada Garoowe .

Maxamuud Cabdinuur Jaamac Kaaliyaha Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaaal.
Qoraaalka ay Soo saareen Maxkamdaha Halkan ku Xusan ayaa Codsaday in Sharciga loo Horkeeno Maxda Wasaaradda Maaliyada .

Waxaana lagu soo xiray Garsooraha Gobolka Nugaal wuxuu la Socodsinayaa Madaxda warqda ku Xusan In Hadii Xuquuqda Garsoorka la bixin waayoay tahay Garsoorkii oo la dumiyey shaqaduna ay iskeed u istaagi dooonto waa sida Qoraalka lagu yiriye.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com