HomeUncategorized

Wasaaradda maaliyadda oo maanta baarlamaanka Puntland horgaysay xisaab-xirkii sannadkii tagay iyo mudanayaasha oo cod aqlabiyad ah ku meelmariyey.

Caption ...

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Cumar Laki Man.
?Gobollada Bari & Nugaal oo isku haleelay ciyaartii ugu horaysay ee tartanka kubada cagta ee gobollada Puntland.
Xukuumada & baarlamaanka Puntland oo darsaya dastuurka cusub ee Puntland.

Garowe, July 18 – Golaha wakiillada Puntland ayaa maanta waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xisaabaadeedkii miisaaniyada sannadeedka 2010-ka Kaddib markii wasaaradda maaliyadda dawladda Puntland ay golaha baarlamaanka horgaysey xisaab-xirkii sannadkii tagay ee 2010-ka.

Wasiirka maaliyadda ee daowlada Puntland faarax Cali Shire, oo isagu ku sugnaa xarunta golaha wakiillada ee magaalada Garoowe ayaa mudanayaasha hortooda ka aqriyay miisaaniyad-sannadeedkii tagay, wuxuuna ka codsaday xildhibaannas inay ansixiyaan xisaab-xirka miisaaniyaddaasi oo caddadkeedu gaarayey 897Bilyan oo shallin Soomaali ah.

Golaha baarlamaanka ayaa wasiirka waydiiyey su’aalo aan sidaas u kululeyn, waxayna u mahad-celiyeen wasaaradda maaliyadda iyaga oo ku ammaanay in ay wasaaraddu kaalin wanaagsan ka qaadatay sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyin badan oo dalku uu soo maray, Kuwaas oo ay ka mid ahayd taakuleynta dadkii ku xoola waayey abaarihii ka dhacay Puntland ee sannadkaan billowgiisii iyo arrimo kale oo ku aaddan ammaanka.

Guddoomiyaha golaha wakiilaha Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi, ayaa ku dhawaaqay in ay mudanayaashu u qaadaan cod gacan taag ah xisaab-xirka miisaaniyadda sannadkii tagay, intaas kaddib waxaa si toos ah loo guda-galay cod u qaadidda iyadoo 39 xildhibaan meel-mariyeen xisaab-celinta.

Si kastaba ha ahaatee golaha wakiilada Puntland ayaa sannad kasta waxay yeeshaan laba kal fadhdhi, waxayna kalfadhiga hore diiradda ku saaraan xisaab-xirka sannadkii la soo dhaafay halka ay kalfadhiga labaadna diiradda ku saaraan ansixinta miisaaniyadda sannadka cusub.

Cabdi Xasan Rooble Awoowe
Daljir Garoowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: