Wasaaradda Haweenka Puntland oo ka so Horjeesatay In Gabdho Soomaaliyed Sucuudiga loo Daabulo

Bacaadweyn, 24, Febru, 2016 -(Daljir)_ Wasaradda Haweenka Puntland ayaa maanta magalada Garowe ku qabatay kulan balaaran oo lagu gorfeynayay xoojinta kaalinta haweenka ee arrimaha siyaasada iyo tan bulshada,waxana kasoo qayb galay wasiiradda Dastuurka, howlaha guud, warfaafinta, xubno ka socda xildhibaanada Baarlamaanka, haween iyo aqoon yahano.
 
Muhiimada kulanka ayaa lagu sheegay in awooda haweenka la muujiyo iyo ahmiyada ay u lee yihiin inay ka qayb qaataan horumarinta arrimaha bulshada, kasoo qayb galayaashii madashan ayaa is waydaarsaday aragtiyo salka ku hayo xaalada Haweenka waxayna soo jeediyaan in Odayaasha dhaqanka iyo bulshaduba ka qayb qaataan sidii dowrka haweenka uga muuqan lahaa xarumaha shacabka loogu addeego, iyadoona tusaal ahaan lasoo jeediyay haddii farsad shaqo oo taban qaybood ah soo baxdo afar laga siiyo haweenka.
 
Masuuliyiintii kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay inay ka xun yihiin haweenka Soomaaliyeed ee loo daabulayo dalka Sucuudiga taasoo ay ku sheegeen doodoa inaysan wax wanaagsan ahayn laga fiican yihiin haween Soomaaliyeed in ganacsi ahaan looga iibiyo dalka Sucuudiga iyadoo ay weli jiraan haween qoysas ah oo laga soo taxriilayo dalkaasi.
 
Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Cabdiqaadir Muumin oo shirkan soo xirtay ugu danbayntii ayaa sheegtay inay abaabulayaan qorshe haweenka lagu horumarinayo kaasoo la hor geyn doono labada golle ee dowladda, waxay sheegtay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Federaalka iyo kan Puntland si qoondada haweenka loogu daro 40% , arrintaasi waxay ku timi kulamo haweenku sameeyeen lixdii bilood ee lasoo dhaafay.
 
Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegtay Haweenku inay awood u lee yihiin inay shaqooyinka qabtaan, balse waxay tilmaamtay inay haweenka lagama maarmaan u tahay inay kor u qaadaan aqoontooda iyo kartidooda, waxay sheegtay oo kale haweenku inaysan ka hadlin waxay xaqa u lahaayeen.
 
Haweenka ayaa inta badan muujiya inaysan qoondadii loogu talo galay ka helin kuraasta dowladda iyo xafiis-yada shacabka loogu addeego, waxayna dhowr jeer oo hore codsadeen in dowrkooda aan la dafirin oo la siiyo.
 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com