Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada oo ka howlgashay Geed caan ahaa oo laga jaray Balliga Jirmaale.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL iyada oo kaashanaysa maamulka degmada Iskushuban, laamaha amaanka iyo Maamulka gobolka Bari waxay ku guulaysatay in ay gacanta kusoo dhigto dadkii ku lugta lahaa Jarista loo gaystay mid kamid ah Geedihii ugu faca weynaa uguna caansanaa Balliga Jir-Maalle oo kuyaala degmada Iskushuban, Geedkaas oo ahaa Geed “Canjeel” ah.

Wasaaraddu oo kaashanaysa laamaha kale ee dowladda waxay bulshada u cadaynaysaa in ay Cadaaladda horgaynayso dadka ku eedaysan in ay Jareen geedka islamarkaasna aysan u dulqaadan doonin Xaalufinta iyo Baabi’inta lagu hayo dhirta gaar ahaana Geedaha hoyga iyo Gabbaadkaba u ah Dadka, Duunyada iyo Duurjoogta kala duwan. Wasaaraddu waxay u mahadcelinaysaa bulshada degmada Iskushuban, maamulka degmada iyo kan gobolka oo gacan wayn ka gaystay helista Eedaysanayaashan islamarkaasna muujiyey dadaalka iyo garab istaaga.

Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay u mahadcelinaysaa cid kasta oo ka qayb qaadatay baahinta ama faafinta dhacdadaan gaar ahaan dhalin yarada aadka ugu baahiyey baraha bulshada.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladu waxay bulshada reer Puntland markale ugu baaqaysaa in laga wada qaybqaato ka hortaga xaalufka iyo nabaadguurka kusocda Deegaanka waxaana ay sii laba jibaaraysaa dadaalkeeda ku aadan fulinta siyaasadaha iyo Shuruucda horey loo sameeyey ee ilaalinaya dhirta.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com