Wasaaradda Cafimaadka Dowladda Puntland oo Awaamir Culus soo saartay (dhegayso)

Wasaaradda Cafimaadka Dowladda Puntland oo Awaamir Culus soo saartay (dhegayso)

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland ,Dr Faarax Maxamed Warsame ayaa ka hadlay degreeto ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka Puntland taasi oo warbaahinta uga digaysa inay baahiyaan farriimo caafimaad oo aan ogolaansho ka haysan .

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in caadaaladda la horgayn doonno ciddii u hoggaansami wayda qoraalka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka .

Ujeedka degreetadan ayuu ku sheegay wasiirku inay tahay kaddib markii takhaatiir aan aqoon caafimaad lahayn ay iska furteen xarumo caafimaad oo aan diiwaan-gashanayn taasi oo saamayn caafimaadka u gaysan karta bulashada .

Sidoo kale Dr Faarax ayaa xusay inay jiraan kiisas arrintaan la xiriira oo wasaaradda soo gaaray ,iyo cabashooyin tirro badan oo ka imaanaya bulshada

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com