Site icon Radio Daljir

Wasaaradda Beeraha Puntland oo ka digtay hoos u dhaca qudaarta (dhegayso)

Wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Puntland ayaa beeraleeyda Puntland ku dheerragelisay kor-u-qaadidda tabcashada beeraha iyo wax soosaarkooda, si looga gaashaanto suuragalnimada hoos-u-dhaca dhinaca qudaarta oo yimaada sannadkaan.

Walwal qabka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Puntland, kuna aaddan hoos-u-dhaca wax soosaarkii beereed sannadkaan ayaa salka ku haysa fatahaadda wabiyeed ee saamaysay badanka dhul beereedkii koonfurta Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Puntland Ibraahim Xareed Cali ‘Dacar’ ayaa Daljir u sheegay walwal qabkooda wasaarad ahaaneed iyo dadaalka beeraleeyda Puntland looga fadhiyo xilligaan.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5af7f43100010010c8db0355/Clip+Wareed+Agaasimaha+Wasaaradda+Beeraha+Puntland.mp3?_=1
Exit mobile version