Wasaaradda Arrimaha Guddaha DFS oo Shir kusoo gabagabaysay Muqdisho (dhegayso)

Wasaaradda Arrimaha Guddaha DFS oo Shir kusoo gabagabaysay Muqdisho (dhegayso)

Shirkii 11-aad ee Madasha Wasaaradaha Arimaha Gudaha , Dib u heshiisiinta iyo gobolka Benaadir oo uu soo xeray Wasiirka arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya waxa laga soo saaray wartiyeed ka kooban 13 qodob oo lagu qeexay caqabadaha haysta dhismaha golayaasha degmooyinka dalka iyo dib u heshiisiin, wixi laga bartay iyo sida hore loogu dhaqaaqi.

Qodobada waxa ka mid ah in dardargaliyo dhismaha golayaasha deegaanka si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah oo muhiimada degmooyinku inay leeyihiin maamula la soo doortay.

C/fataax Cal Xasan Agaasimaha Siyaasada iyo dimuqraadiyada gobolka Benaadir waxa uu soo dhaweeya go’aanka Shirka Madasha ka soo baxay.

Wasiirka Arimaha gudaha ee Koofur Galbeed Maxamed MAdobe Nuunoow iyo Wasiirka Arimaha gduaha ee Galmudug Maxamed Xayir Nuur waxa ay tilmaamay inay dowlad goboleedyadu qaadanayaan doorkooda dhismaha dowladaha hoose,

Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshsiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xeritaanka sheegay dhismaha dowladaha hoose ay tahay saldhiga hormarka dowladnimada.

Shirka Madasha Wadashiga Wasaaradaha Arimaah Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo gobolka Benaadir ee Hannaanka Qaran ee dowladaha hoose ee Wadajir oo 3 bil ah ayaa kan xiga lagu qaban doono Magaalada Baydhabo ee xarunta Ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com