Site icon Radio Daljir

Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Beyle oo ka hadlay dhaqdhaqaaq dekadda Muqdisho

Dekadda magaalada Muqdisho ayaan wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin muddo Todobaad ah kaddib markii Ganacsatada Gobolka Banaadir ee Dekadda wax kasoo degsata lagu soo rogay canshuur dheeraad ah.

Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir, waxa ayna ganacsatada ka cabanayaan in aan si siman canshuurta looga qaadin dhamaan ganacsaada dalka.

Wasiir Beyle oo Saxaafada Shir Jaraa’id uqabtay ayaa Sheegay in Canshuurta sideeda ahaaneyso, Ayna la Fariisanayaan Ganacsatada.

Wasiir C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku doodaya in dalkasta ay dadkiisa Canshurta bixiyaan sidaas darteedna Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahanyahay iin ay canshuurta bixiyaan.

Exit mobile version