Wasaarada Amniga DFS oo ka hadashy Ciidamadii la Wareegay Xarunta Barlamaanka Muqdisho

Wasaarada Amniga DFS oo ka hadashy Ciidamadii la Wareegay Xarunta Barlamaanka Muqdisho

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin Xuseen ayaa sheegay in uu bixiyay amarkii Ciidamada lagu geeyay Xarunta Baarlamaanka ee Guddoonka Baarlamaanka ay sheegeen in Xukuumadda ay la wareegtay Aqalka Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in uu la xiriiray Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed, uuna ka dalbaday in uu Ciidamo booliis ah geeyay Xarunta Baarlamaanka si loo xoojiyo Ciidamada kale ee halkaa ku sugan.

Ujeedka amarkaas uu ku bixiyay ayuu tibaaxay in ay tahay in sidii loo sugi lahaa Ammaanka Xildhibaanada, Mas’uuliyadna ay ka saaran tahay in ay sugaan Amniga, wixii siyaasad ahna la weydiiyo cidka ku shaqada leh sida uu hadalka u dhigay.

General Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska aanan shaqo ku laheyn Siyaasadaha isdiidan, kaliyana ay ku howlan yihiin la tacaalidda Amniga

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayuu tilmaamay in uu la kulmay Afar habeen kahor, uuna ka dalbaday in rasaasta ay ku yartay, taasi iyagoo qiimeynaya ay ciidankaasi ku waajisay in lagu kordhiyo Ciidamada Xarunta Baarlamaanka ilaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com