Warsaxaafadeed Golaha wasiirada oo ka shiray xaaladdaha amaanka iyo isbedalada siyaasadeed ee dalka

Muqdisho, Aug 09 -? Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra?iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hirgalintii Dastuurka, siyaasada iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka, arimaha Amniga, iyo Degmooyinka cusub ee la magacaabay.

Ugu horayntii? Golaha ayaa isla soo qaaday hirgalintii Dastuurka waxayna ku tilmaameen inay ahayd ansixintiisu guul taariikhi ah taas oo lagu bixiyey juhdi faro badan suurtana galisay in? Soomaaliya yeelato Dastuur mudo 43 sano kadib, iyadoo wixii farsamo ahna loo gudbin doono Baarlamaanka cusub,

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha ka hor akhriyey siyaasadda iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka madaama la galay waqti xasaasi ah, warbixintaas kadib goluhu wuxuu taageeray masuuliyada wasaarada warfaafinta ee ku aadan ilaalinta shuruucda iyo habraaca lagu dhaqayo warbaahinta qaranka, sidoo kale Goluhu wuxuu isla qaatay in lagu dhaqmo xeerka iyo siyaasadda wasaaradu u dajisay warbaahinta gaar ahaan waqtiga uu socdo isbadalka siyaasadeed.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dhacdooyinkii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana Goluhu faray Hay?addaha Amniga inay ka hortagaan wixii khal-khal u keeni kara? amniga madaama wadanka ku jiro marxaladd kalaguur ah, isla markaan sheegay in baaritaano ku sameeynayaan dadka ka danbeeya dhacdadii maanta.

Waxaa sidoo kale laga warbixiyey magaacaabista dagmooyinka cusub inay wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go?aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka

Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.

>>>DHAMAAD<<<

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com