Axad, Juun 21, 2015 (Daljir) — Tv-ga Al-jazeera ayaa sheeagy in mid kamid ah shaqaalahooda lagu xiray dalka Jarmalka ka dib markii dowladda Masar ay dalbatay in la qabto wariyahaas.
Ahmed Mansour oo ka tirsan qaybta Carabiga ee Al-jazeera ayaa la xiray xilli oo doonayay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Berlin ,waxaana ilaa iyo hadda gacanta ku haya laamaha amniga ee Jarmalka.
Maxkamad ku taala Qaahira ayaa wariyahan ku xukuntay xabsi dhan 15-sano ,iyadoo masuul u hadlay Tv-ga uu sheegay in eedaymahaas ay yihiin waxba kama jiraan.
“Wali waxaan ku xiranahay madaarka Berlin ,waxaana sugayaa in la ii kaxeeyo maxkamad danbiyada baarta “ ayuu twitter-kiisa ku soo qoray Mansuur oo 52-sano jir ah.
Dhigaal Cusub
« RW Cumar Cabdirashiid oo lagu wado in uu Maanta Booqdo Kismaayo
« RW Cumar Cabdirashiid oo lagu wado in uu Maanta Booqdo Kismaayo
Dhigaal Duug ah
Dood ka dhalatay kala qayb-sanaan ka dhex-jirta Ciyaar-yahanada Brazil »
Dood ka dhalatay kala qayb-sanaan ka dhex-jirta Ciyaar-yahanada Brazil »