Wariye Jaamac Deparani oo Xorayaddiisi dib u Helay

Somalia, November 29, 2015-(Daljir)_Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperani) oo ka tirsan Telefeshinka Soomaaliyeed ee Somalichannel ayaa maanta oo Axad ah dib xorriyadiisii u helay ka dib 11 beri oo uu ku xirnaa xabsiga Garowe.

Ururka suxufiyiinta Puntland ayaa dadaal u galay sidii uu Deperani xabsiga uga soo bixi lahaa, amarka lagu siidaayay ayaa ka yimi xarunta madaxtooyadda.

Gudoomiyaha xafiiska Xaquuqul aadanaha Puntland, gudoomiyaha ururka suxufiyiinta iyo wariyayaal ayaa maanta Jaamac Deperani kasoo kaxeeyay xabsiga Garowe, iyadoona uu Jaamac Warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay helitaanka xorriyadiisa balse ay muhiim tahay in dowladdu cadeyso sababta ay ku xiratay iyo dambiga uu ka galay.

MAP iyo ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay xoriyadda Jaamac

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com