Wariye Jaamac Deparani oo Garowe lagu Xiray iyo MAP oo Canbaaraysay

Somalia, November 19, 2015 (Daljir) — Ciidamada Booliska magaalada Garoowe ayaa xabsiga dhigay wariye Jaamac Yuusuf Jaamac oo kamid ah wariyayaasha ka howl-gala Puntland, waxaana ilo ku sugan Garowe ay sheegeen in wasaaradda warfaafinta ay bixisay amarka lagu xiray wariyahan.

Wariye Jaamac  ayaa la sheegay in uu hadda ku xidhan-yahay saldhiga dhexe ee degmada Garowe ,waxaana la socday markii la xirayay gudoomiyaha ururka Suxufiyinta Puntland iyo labo wariye oo kale.

Waraaq horey uga soo baxday wasaaradda warfaafinta ayaa wariyaha ku amartay in uusan ka sii shaqayn Karin gudaha Puntland ka dib khilaaf ka dhashay waraysi uu ka qaaday wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde labo todobaad ka hor.

“Ciidamadu xarunta uu ka howlgalo kama aysan wadan, balse waa lasoo wacay, markii uu tagay Saldhigga ayaa amar loo sheegay  in uu xidhan-yahay,“ ayuu yiri gudoomiyaha ururka suxufiyinta Puntland ee MAP

Ururada u dooda suxufiyiinta ayaa si isku mid ah u canbaareeyay talaabadan 

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com