HomeUncategorized

Wariye iyo Xaaskiisa oo xalay lagu Dilay magaalada Baydhabo

Khamiis, Abriil 30, 2015 (Daljir) — Wariye Daa’uud Cali Cumar oo ka tirsanaa Idaacadda Baydhabo ee gobolka Bay iyo xaaskiisa ayaa xalay gurigiisa lagu dilay, iyadoo ay dileen kooxo hubeysan oo aan la garanayn, waxaana lagu dilay goobta qof saddexaad oo lagu magacaabi jiray Cali Gaajo.

?4 ka mid ah wasiirada dawlada federaalka ah oo ku dhintay qarax ka dhacay hotel Shaamo.
DHEGEYSO-Boobka lagu hayo agagaarka garoonka diyaaradaha Garoowe oo laga digey.
Madaxweynaha Jubbaland oo lakulmay wakiilka Qaramada Midoobey.

Khamiis, Abriil 30, 2015 (Daljir) — Wariye Daa’uud Cali Cumar oo ka tirsanaa Idaacadda Baydhabo ee gobolka Bay iyo xaaskiisa ayaa xalay gurigiisa lagu dilay, iyadoo ay dileen kooxo hubeysan oo aan la garanayn, waxaana lagu dilay goobta qof saddexaad oo lagu magacaabi jiray Cali Gaajo.

Saddexdan qof ee xalay Baydhabo lagu dilay ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu badnaa ee habeen qura lagu dilo Baydhabo dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, iyadoo kooxihii dilkooda geystay ay baxsadeen.

Dilalka shacabka loogu geysanayo xalay guryahooda Baydhabo ku yaalla ayaa waxaa sidoo kale horay loogu dilay guryahooda culummaa\’uddiin, nabadoonno iyo waxgarad magaalada si weyn looga yaqaannay.

Ugu dambeyn, ciidamada Amniga ayaa howlo baaritaanno ah kawada gudaha magaalada Baydhabo, si ay gacnta ugu soo dhigaan kooxihii  falalkii dilalka ahaa ee xalay dhacay ka dambeeyay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: